Mareykanka oo abaal marin lacageed dul dhigay madaxa wiilka Usaama Bin Laadin

0
130

Dowlada Mareykanka ayaa lacag dhan hal millon oo dollar dul dhigtay cida soo sheegta meesha uu ku sugan yahay ama xogtiisa keenta, wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Urur-ka al Qaacida Usama Bin Laadin.

War saxaafadeed galinkii danbe ee khamiistii shalay ka soo baxay wasaarada Arimaha dibeda ayaa lagu sheegay in Xamsa Bin Laadin uu yahay xiligaan hogaanime soo koraya oo muhiim ka ah gudaha Ururka Al-Qaacida.

Xamza ayaa muuqaalo iyo codad uu soo duubay waxaa uu marar badan ugu baaqay dagaalyahanada Urur ka in ay weerar ku qaadaan dalalka reer galbeedka iyo gudaha wadanka Mareykanka si loogu aargudo aabihii oo ku dhintay howlgal Mareykanka ka sameeyay dalka Pakistaan.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments