Axmed H. Ali: Waxaan rabaa in soomaalidu ay fahmaan Barnevern-ka, aysana ka cabsan.

0
103

Mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bulshada soomaalida ah ka heysata Norway, ayaa ah cabsida ay waalidka soomaalida ah ka qabaan hey´adda ilaalinta daryeelka caruurta ee loo yaqaan barnevernka.

Barnevernka oo ah hey´ad katirsan nidaamka dowliga ah ee kadhisan dalkan, ayaa fahanwaa balaaran oo dhinacyo badan ah wuxuu kala dhaxeeyaa qoysaska ajaaniibta ah.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa jaamacadaha Norway aad ugu soo badanayay dhalinyarada soomaalida ah ee jaamacadaha ka dhigata kuliyada barbaarinta caruurta ee barnevernka (barnevernspedagog). Waxaana dhalinyaradaas kamid ah Axmed Xuseen Cali oo ah 22 sano jir degan magaalada Lillehamar.

Kuliyadan oo tobanaan soomaali ah ay hada dhigtaan, qaarna ay horey uga baxeen ayaa ah kuliyad lagu barto hababka barbaarinta caruurta guud ahaan, aqoonta la xiriirta korinta caruurta iyo sameysanka qaab fakarka maskaxdooda xiliga koritaanka.

Sidoo kale waxaa ardeyda dhigato kuliyadan la baraa xeerarka, hab dhaqanka shaqo iyo sharciyada barnevernka. Waxaana la siiyaa tababaro la xiriiro shaqadooda kahor inta aysan dhameysan jaamacada.

Axmed: Fahanka barnevernku Waa muhiim.

Axmed X. Cali wuxuu horey u ahaan jiray gudoomiyaha ururka ay ku mideysanyihiin dhamaan ardada kunool Norway, laantiisa gobolka Oppland. Wuxuu NorSom News u sheegay in fahan la´aanta waalidka soomaalida ah ee xeerarka iyo qaabka shaqo ee barnevernka, ay sabab u tahay cabsida ay ka qabaan hey´adaas. Aysana marar badan ku dhiiran karin Inay caawimo weydiistaan, xitaa hadii ay xaq u leeyihiin.

Axmed ayaa dhawaan bilaabay barnaamij uu ugu magacdaray Daryeelka caruurta, wuxuuna muuqaalo gaa-gaaban oo uu baraha bulshada ku faafiyo ku sharaxaa qaabka ay hey´addaas u shaqeyso.

Isaga oo sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in waalidka soomaalida ah ay fahmaan qaabka shaqada iyo sharciyada barnevernka, si hadii ay fahmaan ay ugu dhiiran karaan inay caawin weydiistaan ama ay dhibaatooyinkooda si furan oo cabsi la´aan ah uga hadlaan. Sidoo kalana ay si kalsooni leh ula tacaamulaan marka ay hey´addaas arin soo kala dhex gashao.

Waxaan arkay baahi weyn oo loo qabo ka hadalka arintan, waxaana aniga oo aan wali dhameyn waxbarashada go´aansaday inaan af soomaali ugu gudbiyo waalidka soomaalida ah, wixii aan ka bartay. Si ay ugu dhiiradaan inay dhibtooda si furan uga hadlaan, kana baxaan cabsida ay qabaan iyo kalsooni darada.

Axmed Cali sidoo kale noo sheegay inuu rajeynayo in waalidka soomaalida ah ay ku dhiiradaan nay dhexdooda isku gudbiyaan wixii aqoon ama khibrad ah oo is dheeryihiin, sidoo kale soomaalida aqoonta u leh arintana ay soo weydiistaan caawimo xiliga ay kiis la kulmaan.

Waxaan rajeynayaa inaan wado u furo in dhibta barnevernka iyo korinta caruuraha ay soomaalidu ku dhiiradaan inay si furan uga hadlaan. Sababtoo ah Waa wax la xiriira cilmi, aqoon, fahan iyo xeerar degsan.

Halkan ka daawo muuqaalada boga daryeelka caruurta.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments