Soomaali ku eedeysan afduub burcad badeed oo Mareykanka maxkamad lasoo taagay.

0
221

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soo muuqday muwaadin Soomalaiyeed, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka, kaasoo loo heysto eedeymo la xiriira Afduub loo geystay wariye Mareykan ah.

Cabdi Yuusuf Xasan ayaa wajahayaa Kiis la xiriira afduub dhacay sanadkii 2012, kaas oo koox Burcad badeed Soomaali ah ay afduub ku qabsadeen Wariye Mareykan ah, iyaga oo heystay muddo saddex sano ah. Waxeyna sii deyntiisa ku xireen xilligaas lacag madax furasho ah oo gaaraya Mallaayiin Doolar.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu muuqaal ka wacay qoyska Wariyaha, una sheegay inay bixiyaan 20 milyan oo dollar.

Wariyahan oo heysta dhalashada Mareykanka iyo dhalasho dal kale ayaa sanadkii 2012 lagu afduubtay agagaarka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana Wariyaha la sii daayay bishii September ee sanadkii 2014.

Cabdi Yuusuf Xasan oo ku dhashay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa xabsiga lagu sii heynayaa, waxaana maxkamada ay sheegtay in mar kale dib la isugu soo laaban doono, si loo sii ambaqaado dacwada loo heysto.

Waxaa si gaar ah isaga loogu eedeynayaa in uu Muuqaal ka wacay qoyska Wariyaha una sheegay iney iska bixiyaan $20Milyan oo doollar haddii ay doonayaan nolosha wiilkooda, taasoo qoyska qasab ku noqotay.

Cabdi Yuusuf ayaa sheegay inuu la shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug, isla markaana uu qeyb weyn ku lahaa sii deynta wariyaha lagu afduubtay Galmudug.

Xigasho/kilde: Jowhar.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments