Norway: Tirada dadka isguursada oo hoos u dhacay

0
137

Sida lagu soo bandhigay tirokoob ay sameysay wakaalada xog uruurinta ee SSB, waxaa sanadkii tagay hoos u dhacay dadka isguursada(sharci ahaan) dalkan Norway. Sanadkii tagay waxaa Norway isguursaday 20 949 lamaane, tiradaas oo 1200 qof kayar tirada sanadkii ka horeeyay ee 2017.

Tirada dadka isguursaday sanadkii tagay ayaa noqoneyso tii ugu yareyd tan iyo sanadkii 1994, xiligaas oo dadka bulshada Norwiijiga ah ay tiro ahaan hal milyan ka yaraayeen tirada ay hada yihiin.

Isla sanadkii 2018 waxaa Norway iska diiwaan galiyay inay is fureen 9545 lamaane, halka ay kala guureen(seperasjon) 10 630 lamaane.

Tirada lamaanayaasha isguursaday ayaa waxyar uun ka yar isku darka tirada kuwa isfuray ama kala guuray.

Xigasho/kilde: Halkan kasii akhri warbixinta SSB 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments