Ilhaan oo jawaab kulul siisay Donald Trump

0
95
Foto: Ilhaam Cumar/Facebook

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa jawaab adag siisay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Qoraal ay ku soo qortay Boggeeda Twitter-ka ayeey Xildhibaan Ilhaan Cumar waxa ay ku sheegtay haddiiba ay tahay qof inuu iscasilo uu yahay shaqsigaasi Madaxweyne Trump inuu xilkaasi iska casilo.

Hadalka Ilhaan Cumar  ayaa jawaab u ah hadal uu Donald Trump isagoo saran diyaarada “Air Force One” Talaadadii ku sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump ka difaacday Ilhaan Cumar.

Madaxweyne Trump ayaa ololihiisa doorashada waxyaabaha uu ku galay waxaa ka mid ahaa isir naceybka dadka soo galootiga ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments