Denmark: Hooyo soomaali ah oo ku eedeysan jirdilka caruurteeda oo maxkamad lasoo taagay.

0
130

Sida uu qorayaan warbaahintta dalka Denmark, haweenay soomaali ah ayaa isbuucan maxkamad lagu soo taagay dalka Denmark, iyada oo ku eedeysan jirdilka lix caruur ah oo ay dhashay.

Sida ku xusan eedeynta xeer ilaalinta kiiska kusoo oogtay hooyadan soomaalida ah ayaa ku eedeysan jirdil ay caruurteeda u geysatay, jirdilkaas oo loo adeegsaday waxyaabo kala duwan, ayna kamid yihiin qalabka jikada iyo xaaqin.

Hooyadan ayaa sidoo kale ay xeer ilaalintu ku eedeeyeen inay hanjabaad joogto ah oo afka ah ay u geysan jirtay caruurteeda, mararka qaarkoodna ay dil ugu hanjabi jirtay, sida lagu sheegay qoraalka xeer ilaalinta ee kiiska dacwada.

Waxyaabaha ay xeer ilaalintu u adeegsaneyso cadeymahana kiiskan ayaa waxaa kamid ah wareysiyo qorey looga qaaday qaar kamid ah caruurta ay hooyadan soomaalida ah dhashay.

Maxkamadeynta haweeneydan oo bilaabatay isniintii ayaa socon doonto shan maalin.

Bishii January ee sanadkan ayaa sidan oo kale dalka Denmark haweenay soomaali ah lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inay jirdil u geysatay gabar 11-sano jir ah oo ay dhashay.

Xigasho/kilde: Ekstrabladet.dk, Fyens.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments