Oslo: Xeer ilaaliye dalbaday in 5 sano lagu xukumo haweenay soomaali ah

0
185
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Xeer ilaalinta dalkan Norway ayaa xeerbeegtida maxkamada Oslo ka codsaday in 5 sano oo xabsi ah lagu xukumo haweenay soomaali ah, taas oo ku eedeysan danbi la xiriira isku dayista ku biiritaanka urur argagaxiso.

Haweeneydan oo 31 sano jir ah ayaa ah hooyo heysato shan caruur, waxeyna sanad ka badan ku jirtay xabsiga, iyada oo laga soo qabtay garoonka diyaaradaha ee Oslo. Waxaana xogta lagu soo xiray sirdoonka Norway la wadaagay sirdoonka U.K oo markaas xabsiga dhigay nin ay haweeneydan xiriir la laheyd, kaas oo markii danbe 8 sano oo xabsi lagu xukumay.

Haweeneydan soomaalida ah ayaa noqoneyso qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo Norway lagu soo oogo danbi la xiriira argagaxiso.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments