Norway: Wuxuu isku dhiibay qoxootinimo, laakiin muuqaalkan ayaa fashiliyay.

0
188

Hey´adda sirdoonka dalkan Norway ayaa dacwad kusoo oogtay nin 35 sano jir ah oo u dhashay dalka Lubnaan, kaas oo sanadkii 2017 Norway iska soo dhiibay, sheegteyna inuu yahay qoxooti reer Suuriya ah.

Ninkan ayaa ku eedeysan inuu kamid ahaa jabhada jabhatul-Nusr oo kamid ah ururada ka dagaalama Siiriya, xiriirkana la leh ururweynaha al Qaacida. Waxaa baraha bulshada ay ku wadaagaan muuqaalada laga soo helay muuqaalo muujinaya in ninkan uu qeyb ka ahaa ururkaas, uuna kasoo muuqday muuqaalo propogando ah oo ururkaas uu ku faafiyay baraha bulshada.

Muuqaalada qaarkood ayaa muujinaya ninkan oo ka dul hadlaya meydadka dad la laayay, kuwaas oo ku tilmaamayo kufaar iyo doofaaro, waxaana loo badinayaa inay yihiin ciidanka dowlada Siiriya.

Sida uu qoray NRK, Macluumaad uu ninkan ku bixiyay wareysigiisa codsiga magangalyada ayaa sababay in lasoo xiro, markii danbe lagu eedeeyo kamid noqoshada urur argagaxiso.

Ninkan ayaa qirtay inuu isagu yahay qofka ka muuqda muuqaaladaas, laakiin wuxuu sheegay in lagu qasbayay ka qeybqaadashadooda. Wuxuuna raaciyay in sababtaas ay aheyd mida keentay inuu Norway magangalyo usoo raadsado.

Kiiska dacwada ninkan ee maxkamada Oslo ayaa lagu sheegay inay u badantahay in ninkan uu ahaa horjooge katirsan kooxda Jabhatul Nusr, wuxuuna wali ku xiranyahay xabsiga, isaga oo maxkamad suge ah.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments