Norway oo qoxooti kasoo qaadan doonto dalalka Kongo, koonfurta Suudaan iyo Siiriya

0
112
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Sida uu maalmo kahor sheegay wasiirka cadaalada Norway , dowlada Norway ayaa dib u dajin i sameyn doonto qoxooti gaaraya kor u dhaafaya 2600 qof, kuwaas oo ay kasoo qaadan doonto dalalka Kongo Koonfurta Suudaan iyo dalka Siiriya.

Norway ayaa qoxootiga ay soo qaadan doonto sidaan u qeybisay:

  • 900 Kamid ah qoxootiga reer Kongo ee kujira xeryaha qoxootiga Uganda.
  • 750 Siiriyaanka kujira xeryaha qoxootiga Urdun.
  • 500 Koonfurta suudaan ee kujira xeryaha Ethiopia.
  • 450 qoxooti isku jir ah oo kasoo jeedo dalal dhowr ah, kuwaas oo kujjira xeryaha qoxootiga Liibiya.

Hey´adda qoxootiga aduunka ayaa horey Norway uga codsatay dowlada Norway inay dib u dajin u sameyso ilaa 5000 qoxooti ah, maadaama ay heyso awood badan oo dhaqaale, ayna yaraatay tirada qoxootiga Norway soo gala.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments