Norway: 80% Dhalinyaradii magangalyada kumeel gaarka ah heystay oo mid rasmi ah helay.

0
191

Dowlada Norway ayaa sanadkii 2016 soo rogtay sharci dhalinyarada kali socodka ah ee da´doodu ka yartahay 18 sano ee codsada magangalyada, siinaya magangalyo kumeel gaar ah, inta ay ka buuxinayaan 18 sano. Kadibna dib loogu celiyo wadankoodii, marka ay 18 sano buuxiyaan.

Qaabka loola dhaqmay Dhalinyarada la siiyay magangalyada da´du ku xirantahay oo boqolaal gaarayay ayaa buuq ka dhex abuuray xisbiyada siyaasada Norway. Waxuuna ugu danbeyn buuqaas sababay in baarlamaanka Norway uu UDI-da ka codsado in dhalinyaradaas la siiyo jaanis labaad oo baahidooda magangalyo lagu qiimeynayo.

399 dhalinyaro ayaa soo codsaday codsiga jaanis siinta labaad ee magangalyada, balse 262 kamid ah ayaa markiiba la diiday in laga shaqeeyo codsigooda, maadaama aysan buuxin shuruuda codsigaas ee baarlamaanku jaangooyey.

103 kamid ah 137-kii kale ee codsigooda la aqbalay ayaa helay magangalyo rasmi ah, kadib markii dib loo qiimeeyay baahidooda magangalyo, sida ay sheegtay laanta socdaalka ee UDI-da. Arintaas oo ka dhigan in 80% ay heleen magangalyo rasmi ah.

Xigasho/kilde: UDI.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments