Daraasad: 40% caruurta soomaalida ah, waxaa loo diraa wadanka dibadiisa.

0
91

Sida lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan ay soo saartay xarunta cilmibaarista ee Fafo, soomaalida ayaa ah qowmiyada ugu badan ee caruurtooda u dirta wadanka dibadiisa. Warbixinta fafo ayaa lagu soo bandhigay in 4 kamid ah 10-kii caruur soomaali ah loo diro mudo wadanka dibadiisa.

Daraasadan cusub oo ay Fafo soo saartay, isla markaana ay dalabkiisa laheyd hey´adda IMDI ayaa lagu sheegay in waalidka soomaalida ah ay iyaga u cabsi qaba mustaqbalka ilmahooda, ay mararka qaarkood doorbidaan in caruurtooda ay u diraan wadamada dibadda ah, sida Soomaaliya oo kale.

Qorayaasha daraasadan ayaa sheegay in waalidka soomaalidu ay caruurta la heyn kari waayo ay u diraan dhaqan-celin, ayna u diraan Soomaaliya in mudo ah.

Arintan ayaa daba socoto warbixin ay horey uu horey u diyaariyay Tv-ga qaranka Norway ee NRK, kuna saabsanaa sheekooyin laga diyaariyay caruur soomaali ah oo Soomaaliya loo dhaqan-celiyay, sheegeyna inay la kulmeen ciqaab jir ahaan iyo maskax ahaanba ah.

Holm Jensen fra Høyre oo ah wasiiru dowlaha waxbarashada Norway ayaa NRK u sheegtay in dhibaato ay tahay in caruur Norwiiji ah loo celiyo wadan kale, ayna sidaas ku lumiyaan wadashada iskuulmooda. Sidaasna ay dhibaato kala kulmaan la qabsashada iyo kamid noqoshada bulshoweynta kale ee wadanka kunool.

Xigasho/kilde: NRk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments