Theresa May: Dadka heysto dhalashada Norway ee ku dhaqan U.K, wax xuquuq ah mala lumin doonaan, hadii lagu heshiin waayo Brexit.

0
147
Erna Solnberg, Theresa May

Dowlada dalka Ingiriiska ayaa sanadkii labaad la tacaaleyso dhameystirka heshiis ay la gasho midowga Yurub, si ay si badqabto uga baxdo EU-da, kadib aftidii ay dadweynaha Ingiriisku ugu codeeyeen in U.K ay ka baxdo midowga Yurub.

U.K iyo E.U ayaan wali isku afgaran nooca heshiis ama wadashaqeyn ee ka dhaxeyn doonto labada dhinac, iyada oo ay wali dhimanyihiin isku afgarashada qodobada waaweyn ee ku saabsan heshiiska. Waxaana marar badan lagu kala kacay shirar ay isugu imaadeen labada dhinac.

Reysulwasaaraha dalka U.K, Theresa May ayaa isbuucan booqasho ku timid dalkan Norway, iyada oo kulan la qaadatay dhigeeda Norway, Erna Solberg. Theresa iyo Solberg ayaa shirkooda kadib saxaafada u xaqiijiyay in hadii la isku mari waayo heshiiska BREXIT, ay Norwiijiyaanka ku dhaqan U.K, iyo Britishka kunool Norway aysan lumin doonin wax xuquuq ah oo ay hada heystaan.

Arintan ayaa aheyd mid uu mugdi kujiray mudo badan, iyada oo labada reysulwasaare ay ugu danbeyn xaqiijiyeen in wax isbadal ah uusan ku imaan doonin xuquuqaha ay dadka u dhashay labada wadan ku heystaan wadanka kale, hadii la isku mari waayo heshiiska Brexit oo u eg mid ku xukuman guuldareysi.

Erna Solberg ayaa dhankeeda sheegtay in hadii aan la galin wax heshiis ah, ay dowlada Norway bilaabi doonto prosses cusub oo ay heshiis iskeeda ah ula galeyso U.K, si Norwiijiyaanka iyo Britishka  ku dhaqan Norway iyo U.K aysan u lumin wax xuquuq ah oo ay hada heystaan.

29-ka bisha Maarso ee sanadka danbe ayaa ah ugu danbeyn taariikhda la suntay in ay U.K ay si toos ah uga baxdo EU-da.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments