Dowlada dalka Ingiriiska ayaa sanadkii labaad la tacaaleyso dhameystirka heshiis ay la gasho midowga Yurub, si ay si badqabto uga baxdo EU-da, kadib aftidii ay dadweynaha Ingiriisku ugu codeeyeen in U.K ay ka baxdo midowga Yurub.
U.K iyo E.U ayaan wali isku afgaran nooca heshiis ama wadashaqeyn ee ka dhaxeyn doonto labada dhinac, iyada oo ay wali dhimanyihiin isku afgarashada qodobada waaweyn ee ku saabsan heshiiska. Waxaana marar badan lagu kala kacay shirar ay isugu imaadeen labada dhinac.
Reysulwasaaraha dalka U.K, Theresa May ayaa isbuucan booqasho ku timid dalkan Norway, iyada oo kulan la qaadatay dhigeeda Norway, Erna Solberg. Theresa iyo Solberg ayaa shirkooda kadib saxaafada u xaqiijiyay in hadii la isku mari waayo heshiiska BREXIT, ay Norwiijiyaanka ku dhaqan U.K, iyo Britishka kunool Norway aysan lumin doonin wax xuquuq ah oo ay hada heystaan.
Arintan ayaa aheyd mid uu mugdi kujiray mudo badan, iyada oo labada reysulwasaare ay ugu danbeyn xaqiijiyeen in wax isbadal ah uusan ku imaan doonin xuquuqaha ay dadka u dhashay labada wadan ku heystaan wadanka kale, hadii la isku mari waayo heshiiska Brexit oo u eg mid ku xukuman guuldareysi.
Erna Solberg ayaa dhankeeda sheegtay in hadii aan la galin wax heshiis ah, ay dowlada Norway bilaabi doonto prosses cusub oo ay heshiis iskeeda ah ula galeyso U.K, si Norwiijiyaanka iyo Britishka ku dhaqan Norway iyo U.K aysan u lumin wax xuquuq ah oo ay hada heystaan.
29-ka bisha Maarso ee sanadka danbe ayaa ah ugu danbeyn taariikhda la suntay in ay U.K ay si toos ah uga baxdo EU-da.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.