KRF: Waxaan ugu yaraan rabnaa sadex wasaaradood

0
154
Kjell Ingolf Ropstad: wasiirka qoyska iyo caruurta. Foto: Twitter

Shirweynihii xisbiga KRF ee jimcihii lasoo dhaafay ayay ugu danbeyn dood isbuucyo socotay kadib, ku ansixiyeen in xisbigoodu uu ku biiro xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg. Waxeyna xubnaha xisbigu ka codeeyaan soo jeedinta gudoomiyaha xisbiga ee aheyd inay la shaqeeyaan xisbiyada Ap iyo Sp ayna meesha ka tuuraan xukuumada Solberg.

Gudoomiyaha xisbiga Krf ee xiligan Knut Hariede ayaa sheegay inuu ka dagi doono kursiga gudoomiyaha xisbiga hadii uu xisbigiisu ku biiro xukuumada Solberg, waxaana howsha ka shaqeynta ku biirista xukuumada Solberg ee xisbiga Krf madax ka noqon doono Kjell Ingolf Ropstad oo hada ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga, balse ay u badantahay inuu la wareego kursiga gudoomiyaha.

Kjell Ingolf Ropstad ayaa sheegay in xisbigiisu uu ugu yaraan rabo sadex wasaaradood oo katirsan xukuumada Solberg, si lamid ah xisbiga Venstre.

Xigasho/kilde: NRK/Halkan kasii akhri

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments