Dowlada Norway oo soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo ku saabsan qaabka kala noqoshada dhalashada Norway

0
104
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii hore meelmariyay hindise sharciyeed awooda kala noqoshada sharciga dhalashada Norway ka qaadaya hey´adda agaasinka soo galootiga ee UDI-da. Iyada oo loo wareejiyay maxkamada Norway, kadib aqlabiyada baarlamaanka oo arintaas isku raacay.

Baarlamaanka ayaa xukuumada ay gar wadeenka ka tahay Erna Solberg ka codsaday inay soo diyaariyaan soo jeedin ku saabsan qaabka isbadal loogu sameyn karo xeerka soo galootiga Norway, si loo meelmariyo hindise sharciyeedka cusub.

Xukuumada ayaa waqti dheer kadib maanta oo isniin ah soo bandhigtay soo jeedin cusub oo ku jaan go´an soo jeedintii baarlamaanka, waxeyna baarlamaanka ka codsadeen inay meelmariyaan. Wax ka badalista soo jeedintan ayaa loo qabtay mudo ku eg´17-ka bisha Desember ee sanadkan.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee soo jeedintan ku xusan ayaa waxaa kamid ah in qofka eedeysan ee dowladu ay rabto inay kala noqoto sharciga uu heli doono qareen bilaash ah oo ay dowladu lacagtiisa bixineyso.

Sidoo kale caruurta ayaa lasoo jeediyay inaysan saameyn ku yeelan, hadii uu yimaado go´aan in waalidkood laga qaado dhalashada Norway. Waxaana soo jeedinta xukuumada ku xusan in ilmaha aan looc iqaabin danbiga waalidkiis, xoogana la saaro waxa ilmaha u fiican.

Soo jeedintan ayaa sidoo kale lagu xusay in la sharciyeeyo in qofka aan laga ceshan dhalashada Norway, hadii ay dhibaato aan la xadidi karin oo la xiriirta qofka ama xubnaha kale ee qoyskiisa.

Mahad Abiib kiiskiisa:

Waxaa xusid mudan in go´aanka baarlamaanka ee arintan ku saabsan kala noqoshada sharciga dhalashada, ay aheyd mid toos ah uga dhalatay kiiska Mahadi abiib oo kiiskiisu uu hada gacanta ugu jiro maxkamada racfaanka Norway.

Xigasho/kilde: Halkan kasii akhri soo jeedinta xukuumada ee arintan

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments