Imaaraadka carabta oo cafis madaxweyne ku sii daayay nin u dhashay dalka Ingiriiska oo basaasnimo ay maxkamad xabsi daa´in ugu xukunytay

0
123

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa sii deysay nin u dhashay dalka Ingariiska oo lagu magacaabo Matthew Hedges, kaas oo todobaadkii la soo dhaafay lagu xukumay xabsi daaín ,kadib markii lagu eedeyay in uu howlo basaasnimo ah ka waday dalkaas.

Hedges oo ah ardey 31 sano jir ayaa lagu sii daayay isniinta maanta ah cafis madaxweyne, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada imaaraadka. Ardaygaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa in ka badan 700 oo maxbuus kuwaasi oo lagu sii daayay amar cafin ah oo ka soo baxay madaxweyne Khalifa bin Zayed Al Nahyan, taasi oo la xiriirta munaasabada maalinta qaran ee Imaaraadka.Matthew Hedges, ayaa dib ugu laaban doono dalkiisa Uk marka ay dhamaato isla maanta saxiixyada hanaanka dowlad ee uu maro maxbuuska sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Dubai.

Xaaska u dhaxda ninkan oo lagu magacaabo Daniela Tejada, ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay ku soo qortay in cafiska madaxweyne uu ahaa war u wanaagsan iyada maadaama seygeeda la sii daayay.

Waxay mahad celin u dirtay saaxiibada wariye yaasha dadweynaha iyo qoyskeeda oo garab istaagay intii uu xirnaa, Matt.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments