Ka qeyqaado xog uruurintan ku saabsan sidii xal loogu heli dhibaatada guryaha iyo deegaanka qoysaska soomaalida

0
142

Guri qaabkee ah ayaad degantahay, Guriga aad degantahay ma kiro ayaad ugu jirtaa mise adiga ayaa leh?, Deynta iibsiga guryaha bankiga ma qaadatay? Fikir noocee ah ayaad ka qabtaa in la helo deyn uusan dulsaar la socon(ribo/rente)?

Ramaas Bolig iyo bangiga guryaha Norway oo la shaqeynayo hey´addo kale ayaa bilooyinkii ugu danbeeyay waday baaritaan ku saabsan in xal loo helo dhibaatooyinka xaga guryaha ka heysato qoysaska soomaalida ah ee Oslo ku dhaqan. Ujeedkuna uu yahay in qoysaska soomaalida ah ay helaan guryo ay ku qaadan karaan deyn aysan ribo la socon(deyn xalaal ah).

Si ay arintaas u suurtagasho, waxaa muhiim ah in la helo xog uruurin dhab ah oo ku saabsan dhibaatada guryaha ka heysata qoysas soomaalida ah, taas oo loo bandhigi karo bangiyada iyo hey´addaha dowlada ee arintan xiiseynayo.

Sidaas darteed ayay Ramaas bolig wadaan bog xog uruurin arintaas ku saabsan, waxeyna bulshoweynta soomaaliyeed ee Oslo ku dhaqan  codsaneynaa inay xog uruurintaas ka qeybqaataan, kana jawaabaan su´aalaha, si loo helo xog miiska loo saari karo dhinacyada arintan xiiseynaya ama wax ka qaban kara

Halkan Riix(Click sii), si aad u hesho linkiga xog uruuritan, muhiimadna iska saar inaad buuxiso, kana jawaabta su´aalaha xog uruurintan.

Faah-faahin kale oo ku saabsan Ramaas Bolig halkan riix(Click sii: Ramaasbolig.no) ama la xiriir madaxa Ramaas Bolig, Xuseen Cawad Nuur: 46655005

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments