Aftenposten(fadeexad): Keshvari oo 290.000 kr oo cadeyn loo heyn baarlamaanka uga qaatay safaro uusan qaarkood Oslo ka bixin

0
73
Foto: Stillebilde/Youtube

Wargeyska Aftenposten ayaa shaley soo bandhigay warbixin fadeexad xambaarsan, taas oo ku saabsan in Mazyar Keshvari oo ah xubin katirsan baarlamaanka, kana mid ah xisbiga FRP uu lacago gunooyin ah oo uusan xaq u laheyn uu ka qaadan jiray baarlamaanka.

Keshvari oo asalkiisu Iiraan kasoo jeedo ayaa lagu heystaa lacag gunooyin ah oo Aftenposten ay sheegtay inuu si xaqdaro ah ku helay, waxeyna lacagtaas dhantahay ku dhawaad 300.000 kr.

Xeer hoosaadka baarlamaanka Norway ayaa dhigayo in xubnaha katirsan golaha baarlamaanka laga bixiyo qarashaadka ku baxo safarada ay galaan. Keshvari ayaa gudiga xisaabxirka baarlamaanka u gudbinayay inuu galay safaro tiro badan oo uu ku tagay tuulooyin iyo magaalooyin Norway iyo dibada ah, balse waxey Aftenposten soo bandhigtay in Keshvari uu Oslo ku sugnaa xiliyo badan oo uu baarlamaanka lacag kaga qaatay inuu safar ku maqnaa.

Aftenposten ayaa soo bandhigtay in ugu yaraan 36.000 uu Keshvari baarlamaanka kaga qaatay inuu safar ku maqnaa, inkasta oo uu joogay Oslo. Waxeyna soo bandhigeen sawiro iyo cadeymo kale oo muujinayo inuu Oslo ku sugnaa xiliyadaas oo sheegtau inuu safar u baxay. Lacagta safarada aan cadeynta loo heyn ee Keshvari ayaa isku dar gaareyso ilaa 290.000 Kr.

Keshvari ayaa warbixinta Aftenposten kadib qirtay inuu baarlamaanka u gudbiyay lacago uusan u laheyn qaadashadooda. Waxaana uu raaciyay inuu arintaas qiranayo, uuna raaligalin baarlamaanka ka siinayo. Keshvari ayaa sidoo kale galay shaqada baarlamaanka ka qaatay fasax shaqo.

Keshvari: Soo galootiga danbiyada galo wadankoodii haloo celiyo.

Arintan xiisaha u yeeleyso fadeexadan hada kusoo baxday Keshvari ayaa ah inuu ahaa mid kamid ah dadka ugu hadalka adag xisbiga Frp, marka laga hadlayo danbiyada soo galootiga. Keshvari oo laftirkiisu asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan ayaa marar badan ku cel-celiyay in soo galootiga gala danbiyada loo celiyo wadankoodii, aysana xaq u laheyn inay Norway kusii noolaadaan.

Sanadkii 2017 ayaa waxaa baarlamaanka la keenay soo jeedin ah in kala noqoshada dhalashada Norway loo sameeyo xili aan qofka dib loogala noqon karin. Keshvari ayaa lagu xusuustaa inuu kamid ahaa dadkii ugu hadalka badnaa ee arintaas kasoo horjeeday, isaga oo ku sababeynayay in qofka marba hadii uu been sheego, uusan xaq u laheyn inuu sii heysto dhalashada Norway.

Xisbiga Frp ayaa waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay soo wajahayo dhacdooyin fadeexooyin ah oo isbada socdo. Bilo kahor waxaa xilka iska casilay wasiirkii kaluumeysiga Norway, Per Sandberg oo ay fadeexo soo wajahday. Sidoo kale wasiiradii soo galootiga ayaa bilowgii sanadkan shaqada isaga tagtay, kadib fadeexad kale oo soo wajahday.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments