Xisbiga Ap oo Frp kaga deyday qodobo badan oo ku saabsan arimaha soo galootiga

0
148

Gudi uu xisbiga Ap u xilsaaray sameynta siyaasad cusub oo xisbigi uu ku leeyahay, kuna wajahan arimaha soo galootiga ayaa dhamaadka isbuucii hore soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay sheegeen inay noqon doonaan siyaasada xisbiga.

Ap oo sanado kahor ahaa xisbi kamid ah xisbiyada codadka ugu badan ka hela bulshada soo galootiga ah ee dalkan Norway ku dhaqan, ayaa hada u muuqdo mid wax badan ka badalay siyaasadiisa soo galootiga. Waxeyna u muuqdaan inay tartan dhanka adkeynta xeerarka qoxootiga iyo soo galootiga ah ay kula jiraan xisbiga kale ee Frp.

Gudiga Ap ee arintan loo xilsaaray ayaa soo bandhigay qodobo ay kamid yihiin:

-In soo qoxootiga magangalyada codsado loo qeybiyo loo qeybiyo laba qeybood: A) In Kuwa kasoo cararay colaadaha iyo dagaalada, wadankoodii dib loogu celiyo marka ay istaagaan colaadahaas ama uu soo hagaago wadankooda. Lana siiyo magangalyo kumeel gaar ah, aana la siin degenaanshaha dalka Norway. Sidoo kale loo diido ama lagu adkeeyo inay u dacwoodaan ama Norway keenaan xubnaha kale ee qoyskooda. B) In qoxootiga kasoo cararay beegsi toos ah oo lagu hayo, qowmiyad ahaan ama qof ahaan, la siiyo magangalyo toos ah oo aan ku meel gaar aheyn.

-Waxey sidoo kale soo jeediyeen in Norway ay heshiisyo la gasho wadamo sadexaad, kuwaas oo magangalyo siin kara qoxootiga, intii ay Norway imaan lahaayeen.

-In wadamadii ay u dhasheen laga abuuro xarumo lagu hayo soo galootiga aan qaarka aheyn.

-In codsiga magangalyada qoxootiga looga shaqeeyo wadan sadexaad oo aan Norway aheyn.

Frp: Ap haku soo dhawaadeen xaqiiqada

Xisbiga xagjirka midigta fog ee Frp oo markiiba jawaab ka bixiyay qodobada ay soo bandhigeen Ap, ayaa sheegay in Ap uu koobi ku wado siyaasadii asalka aheyd ee xisbiga Ap. Ayna ku faraxsanyihiin in Ap ay ugu danbeyn fahmeen xaqiiqada, ayna yaqiinsadeen in siyaasada xisbiga Frp ee soo galootiga ay aheyd mida saxda aheyd ee xal lagu heli karay.

Xisbiga Venstre ayaa sidoo kale isna dhankiisa sheegay in siyaasada cusub ee Ap, ay tahay mid ka durugsan xaqiiqada iyo bini-aadantimada.

Xigasho/kilde: Drammenstidende.

wp_ad_camp_1

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments