Sweden: Xisbiga midigta oo ku guuleystay kursiga hogaaminta baaramaanka Sweden

0
158

Andreas Norlén oo ah siyaasi kasoo jeedo xisbiga Moderaterna ayaa maanta ku guuleystay inuu noqdo afhayeenka baarlamaanka dhawaan lasoo doortay ee dalka Sweden.  Andreas ayaa codadka ugu badan ka helay xisbiyada garabka midig, waxaana sidoo kale taageeray xisbiga midigta fog ee SD.

Andreas Norlén ayaa helay 203 cod, halka siyaasiga la tartamayay ee kasoo jeedo xisbiga Socialdemokraterna ayaa helay 145 cod.

Afhayeenka baarlamaanka dalka Sweden ayaa awood ahaan heysta awood ka badan reysulwasaaraha, wuxuuna dhawaan soo gudbin doonaa magaca reysulwasaaraha dalka Sweden, oo kadibna cod loo qaadi doono meelmarintiisa.

Arintan ayaa la filayaa inay wax ka badasho xaalada cakiran ee natiijadii ka dhalatay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Sweden. Iyada oo aan wali la ogeyn sida ay noqon doonto, ama xisbiyada ay ka koobnaan doonto xukuumada hogaamin doonto dalka Sweden.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments