Oslo: Chemical-Ingineer u dhashay Ciraaq, una shaqeynayay shirkad weyn oo 2 sano iyo bar xabsi ah lagu xukumay

0
127
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

51 sano jir u dhashay dalka Ciraaq, ahaana ingineer u shaqeyn jiray shirkada weyn ee Akers Sulation ayay maanta maxkamad ku xukuntay 2 sano iyo bar xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu bar internetka ah ku qeybiyay macluumaad ku saabsan sida loo sameeyo waxyaabaha dhaliya qaraxyada.

Ninkan oo ahaa chemical Ingineer ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in website internetka ah ay adeeegsadaan, kuna xiranyihiin dad badan uu ku qeybsaday macluumaad la xiriira sida loo sameeyo qaraxyada. Isaga oo dadka ku dhiirigalinay inay ka qeybqaateen dagaalka ka socday dalka Siiriya.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dadka ku xiran bartaas internetka ah uu dhiirigalinayay inay weerar ku qaadaan duuliyeyaasha ciidanka cirka Siiriya, isaga oo codsanayay in la dilo duuliye u dhashay dalka Urdun oo ay xiligaas gacanta ku hayeen kooxda Daacish.

Ninkan ayaa dhinacisa sheegay inuusan taageersaneen ururka Daacish, balse uu rabay in ururkaas uu gudaha ka bur-buriyo, wuxuuna raaciyay in macluumaadka ku saabsan qaraxyada ee uu gudbiyay ay aheyd wax ardeyda dhigatada iskuulada sare ay yaqaanaan, aana aheyn wax weyn.

Xukunka labada sano ah ee maxkamada ayaa ka yar kii ay codsadeen dacwad oogayaasha dowlada ee kiiska ninkan kusoo oogay.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, VG

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments