Sweden: Xisbiga garabka midig oo mar kale ku gacanseyray inay la shaqeeyaa xisbiga xagjirka ah ee SD

0
129

Doorashada baarlamaanka dalka Swedn oo labo maalin kahor lasoo afmeeray, ayaan wali la saadaalin karin saameynta ay yeelan karto.Gudoomiyaha xisbiga xagjirka midigta fog ee SD, Jimmie Åkesson ayaa shaley xisbiyada garabka midig ee loo yaqaan Alliansen ku casuumay wada hadal, si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada wada dhisid dowlad ama wada shaqeyn kale.

Xisbiyada garabka midig oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay casuumaada xisbiga SD ayaa diiday inay wada hadal ku saabsan wadashaqeyn la yeeshaan xisbiga SD, iyaga oo sheegay inuusan wali isbadalin go´aankaadii ahaa ineysan SD wax la wadaagin. Xisbiyada garabka ayaa intii uu socday olalaha doorashada iska dheereeyay inay wax ku darsadaan xisbiga SD, oo lagu eedeeyo inuu huruniyo naceyb loo qaado soo galootiga dalka Sweden kunool.

SD ayaa dhankooda qeexay inaysan wax taageero ah siin doonin xukuumad garabka midig ah, oo aysan wax ku laheyn ama aan iyaga kusoo darin wada hadalka wada shaqeynta.

Xaalada siyaasada Sweden ayaa wali cakiran, kadib natiijadii doorashada baarlamaanka dalkaas. farqiga u dhaxeeyo labada isbaheysi garab ee siyaasada Sweden ayaa ah mid aad u yar, waxaana u dhaxeeyo oo kali ah labo kursi oo baarlamaanka Sweden ah.

Xigasho/kilde: DN.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments