Sida lagu sheegay daraasad cusub oo ay soo bandhigtay wakaalada xog uruurinta ee SSB, soomaalida ayaa ah qowmiyada soo galootiga ah ee ugu qanac badan(ugu qanacsan) noloshooda Norway, inkasta oo ay heystaan caqabado badan oo dhanka noloshooda Norway ah, sida dhibaatooyin dhanka guryaha ka heysta ama dhaqaalaha.
Daraasadan ayaa lagu xog wareystay 12 qowmiyadood oo soo galooti ah, waxaana lagu weydiinayay inay qiimeeyaan ku qanaca iyo tayada noloshooda Norway, waxaana la dooransiinayay tiro u dhaxeyso 1 ilaa 10.
Soomaalida ayaa isku cel-celis sheegay in 8,8 ay ku qanacsanyihiin noloshooda Norway. 67% soomaalida daraasada lagu wareystay ayaa sheegay inay si aad ah ugu qanacsanyihiin noloshooda Norway, halka 7% oo qura ay sheegeen inay ku qanacsaneyn noloshooda Norway.
Soo galootiga kasoo jeedo dalalka Iiraan, Ciraaq iyo Turkiga ayaa noqday soo galootiga ugu badan ee ku qanacsaneyn noloshooda Norway.
Xigasho/kilde: Aftenposten.no , NRK