Natiijada doorashada Sweden oo aan wali lagu kala bixin.

0
109
Reysulwasaaraha Sweden: Stefan Lofven

Waxaa xaley saqdii dhexe soo baxday natiijada hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka dalka Sweden. Natiijada hordhaca ah ayaa tusineyso in xisbiyada garabka bidix ay heleen natiijo siineyso 144 kursi, halka kuwa midigta ay heleen 143. Xisbiga xagjirka midigta fog ee SD ayaa isaguna helay 62 kursi oo baarlamaanka.

Natiijada doorashada ee hordhaca ayaan wali cadeyn karin in dowlada hada ka taliso dalka Sweden ay sii joogi doonto iyo inkale. Waxey noqotaba waxaa muuqata in xisbiga xagjirka ah ee SD uu saameyn weyn ku yeelan doono siyaasada dalka Sweden.

In la ogaado saameynta natiijada doorashada shaley ka dhacday dalka Sweden ayaa qaadan karta isbuucyo, maadaama aan wali la ogeyn qaabka ay xisbiyadu u wada shaqeyn doonaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada Sweden ayaa noqotay sidatan: 

Xisbiga SocialDemokraterna: 28,4( Waxey hoos u dhaceen 2,8 %).

Xisbiga Moderaterna: 19,8 %( Waxey hoos u dhaceen 3, 5 %).

Xisbiga Sverigedemokraterna: 17,6 %( waxey kor u kaceen 4,7%).

Xisbiga CenterPartiet: 8,6 %( waxey kor u kaceen 2,5 %).

Xisbiga Vansterpartiet: 7,9 %( Waxey kor u kaceen 2,2%).

Xisbiga Kristendemokraterne: 6,4 %( Waxey kor u kaceen 1,8 %).

Xisbiga Liberalerna 5,5 %( Waxey kor u kaceen 0,2%).

Xisbiga Miljøpartiet: 4,3 %( Waxey hoos u dhaceen 2,4 %).

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments