DFS: Denmark waxey aqoonsatay baasaboorka diblumaasiga soomaaliga ah.

0
110
Wasiirada soo galootiga Denmark, Inger, iyo wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Islow

Wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Islow Ducaale ayaa dhamaadka isbuucii hore booqasho ku yimid dalka Denmark, wuxuuna kulamo la yeeshay wasiiro ay kamid tahay wasiirada soo galootiga dalkaas, Inger Støjberg.

Sida ay qoreen qeybo badan oo kamid ah warbaahinta soomaaliyeed ee caalamka, ayna kasoo xigteen wafdiga soomaaliyeed ee Denmark ku sugnaa, dowlada Denmark ayaa sheegtay inay  aqoonsan doonto baasaboorka soomaaliga ah, ayna tijaabo ahaan ugu bilaabi doonaan nooca diblomaasiga ah.

Sidoo kale Denmark ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya Soomaaliya, iyo sidoo kale dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.

Celinta qoxootiga soomaaliyeed: 

Dowlada Denmark ayaa sanidihii ugu danbeeyay dhowr mar ku cel-celisay inay dalkoodii dib ugu celineyso dhowr boqol oo qoxooti soomaaliyeed ah, kuwaas oo dalkaas ku heysto magangalyo kumeel gaar ah. Waxaana ay arintaas ku sababeeyeen in amaanka Soomaaliya uu soo hagaagay, sidaas darteed dadkaas aysan u baahneyn magangalyo qoxootinimo.

Soomaalida dalka Denmark ayaa ka cabsi qaba in wasiirka amniga Soomaaliya uu dalka Denmark u yimid dhameystirka heshiiska dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas kunool. Arintaas oo ah mid ay dowlada Denmark ku taaheysay in mudo ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments