Nav: kalabar 50% dadka qaata ceyrta waa qoxooti ama soo galooti

0
104

Sida lagu sheegay warbixin uu dhawaan soo saaray xafiiska caawinta shaqada ee Nav, kala bar ama 50% dadka qaata lacagaha ceyrta ah waa dad qoxooti ama soo galooti ah. Waxaana warbixinta lagu xusay inuu jiro xiriir ka dhaxeeyo deegaanka qofku uu deganyahay iyo qaadashadiisa lacagta ceyrta.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka Norway kusoo galay qaabka shaqo doon ahaanta, ay wax badan tartanka suuqa shaqada kaga fiicanyihiin dadka qoxootinimada kusoo galay.

Wasiirka isdhexgalka dalkan Norway Jan Tore Sanner ayaa sheegay in inta uusan dhamaan sanadkan 2019, ay dowladu la imaan doonto istaraatiijiyad cusub oo ku wajahan sida lagu dhimi lahaa dadka soo galootiga ah ee kunool lacagta ceyrta. Wuxuuna raaciyay inay shuruud adag oo ku saabsan ka miro dhalinta howlaha isdhexgalka bulshada ay hordhigi doonaan kommunada.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments