Denmark: Maalqabeen balanqaaday inuu bixin doono ganaax walba oo lacag ah oo la saaro haweenka indho-shareerka xirta

0
105

Dalka Denmark waxaa bilowga bishan ka dhaqangalay sharci cusub oo mamnuuc ka dhigaya in dalkaas lagu xirto indho-shareerka ama niqaabka. Waxaana haweeneyadii lagu qabto iyada oo xiran indho-shareerka ay muteysan kartaa ganaax lacageed oo dhan 1000 DKK oo lacagta dalkaas ah, iyada oo hadii marar badan haweeneyda lagu qabto xirashada indho-shareerka uu ganaaxaas noqon karo ilaa 10.000 DKK.

Rachid Nekkaz(sawirka kore) oo ah ganacsade iyo maalqabeen asalkiisu uu yahay Aljeeriyaan muslim ah, balse heysta dhalashada dalka Faransiiska ayaa sheegay inuu dhawaan u safri doono dalka Denmark, si uu u bixiyo dhamaan ganaaxyada lacageed ee booliska dalka Denmark ay saaraan haweenka muslimka ah ee indho-shareerka xirta.

Ganacsadahan ayaa horey caan ugu ahaa inuu damaanad qaaday bixinta dhamaan ganaaxyada lacageed ee booliska wadamo dhowr ah oo Yurub kuyaal ay saareen haweenka muslimka ah ee indho-shareerka xirta. Waxa uuna horey buuq siyaasadeed oo arinta la xiriirta uu ka dhex buuray siyaasiyiinta dalalka Franasiiska, Bulgiumka, Holland, Germany, Switzerland iyo Austria.

Rachid Nekkaz ayaa hada iclaamiyay inuu bil walba u safri doono magaalada København ee caasimada Denmark, si uu u bixiyo ganaaxyada lacageed ee la saaro dumarka dalkaas ku dhex xirta indho-shareerka. Waxa uuna sheegay in isagu shaqsi ahaan uusan raacsaneyn xirashada indho-shareerka, balse uu aaminsanyahay muhiimada xoriyada qofka, gaar ahaan haweenka muslimka ah.

Siyaasiyiinta Denmark: Xabsi haloo badalo

Balanqaadka bixinta ganaaxa indho-shareerka ee ganacsadahan ayaa buuq ka abuuray warbaahinta dalka Denmark, waxaana arintaas caro ma muujiyay siyaasiyiinta xisbiga DF oo ahaa kii markii horeba lahaa soo jeedinta mamnuucista indho-shareerka. Siyaasiyiinta qaar ayaa soo jeediyay in ganaaxa lacageed loo badalo ciqaab xabsi, si ay saameyn u yeelato mamnuucista xirashada indho-shareerka dalkaas.

Xigasho/kilde: DG, Aftenbkadet.se

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments