Dowlada oo rabta inay jarto qeyb kamid ah kabida dhaqaale ee dadka raba inay ilkaha biro ku xirtaan

0
328

Sida uu qoray wargeyska Stavanger Aftenbladet, dowlada Norway ayaa rabta inay jarto qeyb kamid ah lacagta taageerada ah ee dowladu ay ku kabto dadka raba inay ilkaha ku xirto biraha loo yaqaan(Tannregulering).  Waxaana la sheegay in dowladu ay rabto in miisaaniyada sanadka soo socdo ee 2019 ay dhinto ilaa 100 milyan oo lagu kabo dadka biraha ku xirto ilkaha.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie(Høyre) ayaa dhankiisa sheegay in go´aanka kama dambeysta ee arintaas ku saabsan lagu soo bandhigi doono miisaaniyada sanadka ee 2019, taas oo ay dowladu soo gudbin doonto bilowga bisha October ee sanadkan.

Wasiirka caafimaadka oo soo xiganayo waaxda caafimaadka ayaa sheegay in badan oo kamid ah dadka ilkaha ku xirto biraha ay u sameeyaan sababo la xiriira xarago, oo aysan aheyn arimo caafimaad. Wuxuuna raaciyay in arintaas ay waalidiin badan ku qasbeyso inay bixiyaan qarash badan, gaar ahaan waalidka aan dhaqaale fiican heysan.

Warkan kasoo yeeray dowlada ayaa waxaa markiiba kasoo horjeestay dad badan oo aaminsan in dowladu aysan jarin lacagta lagu kabo dadka ilkaha biraha ku xirta. Tellef Inge Mørland oo katirsan gudiga caafimaadka ee baarlamaanka ayaa sheegtay in xirashada ilkaha ee biraha ay awalba aheyd mid qaali ah, dowladuna ay qaali kasii dhigeyso, hadii la jaro lacagta ay ku kabto.

Mølland ayaa raacisay in soo jeedintaas ay xoojineyso farqiga iyo kala fogaanshaha u dhaxeeyo qeybaha bulshada, marka laga hadlo caafimaadka ilkaha. Waxeyna sheegtay in caafimaadka ilkaha ee caruurta aysan noqon mid ku xiran taajirnimada ama faqiirnimada aabihii.

Xigasho/ilde: Dagbladet, Stav- Aften, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments