Talyaaniga oo wadamada Yurub ka codsaday in si wadajir ah ay u qaabilaan qoxootiga laga soo badbaadiyo bada

0
208
Wasiirka arimaha gudaha dalka italy:Matteo Salvinia

Dowlada Talyaaniga ayaa EU-da iyo wadamada xubnaha ka ah ka codsatay in la sameeyo xarun si wadajir ay wamada Yurub ugu qaabilaan dadka qoxootiga ah ee laga soo badbaadiyo doomaha tahriibayaasha.

Reysulwasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in fikradaas ay dowladiisa ku dhalatay kadib markii uu axadii lasoo dhaafay wadamada Germany, Spain, Frence, Malta, Ireland iyo Portugal uu ku qanciyay inay Talyaaniga la qeybsadaan dib u dajinta 450 qof qoxooti ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Italy. Conte ayaa sheegay in arintaas ay muhiim tahay inay noqoto mid joogto ah, wuxuuna raaciyay in maamulka dib u dajinta qoxootiga ay si toos ah u hoos timaado midogwa Yurub.

Midowga Yurub ayaa dhankooda sheegay in xal noocaas ah uusan aheyn mid shaqeyn karo mudo dheer.

Xigasho/kilde: NTB

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments