Su´aalaha imtixaanka qaadashada passportka Norway oo laga deyrinayo: 30% dadka mara imtixaanka wey ku dhacaan

1
123

Dowlada Norway ayaa bilowga sanadkii 2017 soo rogtay in imtixaan aqoonta cilmiga bulshada, afka iyo dhaqanka ah laga qaado dadka raba inay qaataan dhalashada dalkan Norway.

imtixaankan oo ka kooban 32 su´aalood ayaa ugu yaraan qofka laga rabaa inuu jawaab sax ah ka bixiyo 24 su´aalood si uu u baaso, isla markaana loogu ogolaado qaadashada dhalashada dalkan Norway.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 30% ama sadex kamid ah tobankii qof ee sanadkii hore qaadatay imtixaan ay ku dhaceen. Waxaana arintaas loo sababeeyay in qaar kamid ah su´aalaha imtixaankan aysan aheyn kuwo uu fahmi karo qof soo galooti ah, aysana aheyn kuwa ma turjumaya kamid ahaanshaha qofka soo galootiga ah ee bulshada Norway.

ururka SEIF oo kamid ah ururada saacida dadka soo galootiga ah ayaa ka deyriyay imtixaankan laga qaado dadka soo galootiga ah, waxeyna sheegeen inuu abuurayo kalsooni la´aan iyo in qofka soo galootiga ah uu shaki ka qaado aqoontiisa ku aadan cilmiga bulshada iyo dhaqanka dadka Norwiijiga ah.

Waxaa wargeyska Aftenposten, cadadkiisa maanta maqaal dheer kusoo daabacay nin u dhashay dalka Brazil, laguna magacaabo Franciz Augusto, kaas oo dhawaan qaatay, kuna baasay imtixaankan. Wuxuuna maqaalkiisa ku dhaleeceeyay qaab weydiinta su´aalaha imtixaankan iyo ujeedkooda. Wuxuuna raaciyay in xitaa hadii dadka wadanka u dhashay imtixaankan laga qaadi lahaa, ay qaar ka badan oo kamid ah ku dhici lahaayeen.

Xigasho/kilde: Aftenposten(Cadadka maanta 19-07-2018)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Cabdulahi cismaan
Cabdulahi cismaan
5 years ago

Waxman hey wiil somali ah Waxman joga muqdhishoWaxman raba in an hello visa Norwegian marka wall hada icawinkartaan blse lambarkaan igalaso xiriir 252616870484