Harstad: Nin soomaali ah oo wajiga nabar laga dhuftay: Booliska waxaan baareynaa inuu yahay fal isir naceyb ah

0
200

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Harstad Tidende ee kasoo baxa magaalada Harstad, booliska ayaa baarayo fal uu nin 50-meeyo jir ah waxyeelo wajiga kaga gaarsiiyay nin soomaali ah.

Booliska ayaa sheegay in habeenkii sabtida ay heleen fariinta ku saabsan falkan oo ka dhacay guri gaar loo leeyahay. Waxeyna sheegeen inay wareysi ka qaadeen ninka soomaalida ah ee dhibta la gaarsiiyay iyo ninka ay boolisku falkaas u qabteen. Waxeyna raaciyeen in ninka falka geystay ay boolisku horey u yaqaaneen, uuna kamid yahay dadka deegaanka Harstad degan.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baari doonaan in falkan uu yahay mid lug kuleh isir naceyb, sida ay ka fahmaan ninka waxyeelada geystay oo ay boolisku wareysi la yeesheen.

Xigasho/kilde: Harstad-Tidende

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments