Maxey kala yihiin 7000 qof ee Aftenposten ay qortay in UDI-du ay kiisaskooda dib ugu noqoneyso

0
150
Boga koowaad Aftenposte iyo Mohamed Cabdulqaadir, Gudoomiyaha ururka xuquuqul insaanka Norway

Dhowr maalin kahor wargeyska Aftenposten oo ah kan ugu weyn wadankan Norway ayaa bogiisa koowaad kusoo daabacay warbixin dheer oo uu uga hadlayo dad ilaa 7000 gaarayo, kuwaas oo hey´adda socdaalka dalkan Norway ee UDI-du ay sheegtay inay kiisaskooda dib ugu noqon doonto.

Dadkan ayaa Norway soo galay xiliyo kala duwan, waxeyna kasoo jeedaan qowmiyada kala duwan. Waxeyna isugu geyn ay Aftenposten sameyay lagusheegay in isku dar tirada dadka ay UDI-du kiisaskooda dib ugu noqon doonto ay gaarayaan ilaa 7000, ayna sameeyeen guruub gaar ah oo kiisaskan si gaar ah uga shaqeyn doono.

1600 soomaali ah iyo Srilanka:

Qeyb kamid ah warbixinta Aftenposten ee kiisaskan ayaa lagu xusay inay jiraan dad gaaraya 1600 soomaali ah, kuwaas oo ay UDI-du dib ugu noqon doonto baahidooda magangalyo. Waxeyna boqolaal qof oo dadkan kamid ah jawaab ka sugayaan codsiyadooda mudo kor u dhaafeyso labo sano.

Maxamd Cabdulqaadir oo ah Gudoomiyaha urur la baxay ururka xuquuqul insaanka iyo isdhexgalka ayaa Aftenposten u sheegay in sugitaanka dheer ee dadka soomaalida ah ay sugayaan jawaabta, ay dhaawac weyn u geysan karto dhexgalkooda iyo la qabsigooda bulshada Norway. Maadaama aysan hubin mustaqbalkooda Norway, ayna ku sugunyihiin xaalad kumeel gaar ah.

Marka laga soo tago soomaalida, dadka kasoo jeedo wadankan Srilanka ayay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo. Maadaama xaalada amaan ee dalkaas ay soo fiicnaatay.

Warbixinta Aftenpostene waxaa sidoo kale lagu xusay ineysan wali cadeyn cida go´aan ka gaari karto in wadan ama goob uu xaaladeeda amni ay soo fiicnaatay. Waxaana wali muuqato cago-jiid iyo in UDI-du ay su´aalaha arintan ku saabsan si dhab uga jawaabi karin.

Xisbiga FRP ayaa iyagana dhankooda warbixinta Aftenposten ku faafiyay barahooda bulshada, iyaga oo waxqabad ku tilmaamaya talaabada dib u fiirinta loogu sameynayo kiisaska 7000 qof.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments