Jimmie Åkesson oo ah madaxa xisbiga SD ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay natuuada codbixintan, uuna ku qanacsanyahay taageerada uu xisbigiisu ka helay dadweynaha Sweden.
– Natiijadan waxa ugu wacan inagoo taabanay arimaha dadweynaha muhiimka u ah. Waxan abuurnay kalsooni ku saabsan arimaha siyaasadda ajaaniibta wadanka yimaada, arimaha ku saabsan denbiyada iyo kuwa ku saabsan caafimaadka iyo arimaha khuseeya dadka da’da ah.
Xisbiga SD ayaa doorashada baarlamaanka Sweden ee sanadkan noqon kara mid kamid ah labada xisbi ee ugu waaweyn dalka Sweden.
Socialdemokraterna ayaa codka dadweynaha ka helay tiro gaareysa 28,3 %, taas oo ka hooseysa codki ay heleen November 2017 iyo kii ay heleen doorashadii ugu danbeysay ee baarlamanka 2014.
Dhanka kale xisbiga Kristdemokraterna ayaan soo gali laheyn baarlamanka haddii maanta ay doorasho dhici laheyd. Xisbiga ayaa helay 2,9 boqolkii codka dadweynaha taasoo ah natiijadii ugu xumeyd ee xisbigu helo illaa iyo markey hey’adda tirakoobka SCB bilowday cabirka tirada ay xisbiyadu helaan sanadki 1991.
Gunnar Strömmer, xoghaya xisbiga Moderaterna, ayaa xaaladda xisbigiisa u arka iney tahay mid xasilan.
– Isbaheysiga (alliansen) ayaa ka kooban afar xisbi iyadoo ay tahay in xisbi kastaana soo jiito dadweynaha. Waxan aaminsanahay in afarta xisbi ay taa u fulin doonaan siyaabo kala duwan si aan u helno natiijo wanaagsan.