USA: Kooxo gangs soomaali ah oo isku xabadeeyay goob xaflad aroos ah

0
177

Dhalinyaro soomaali ah oo katirsan kooxaha geysta falal danbiyeedyada ee gangska ayaa isku xabadeeyay goob xaflad aroos ah oo ka dhaceysay magaalada Concord ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

Booliska magaaladaas ayaa sheegay in afar katirsan kooxahaas gangska ah ay weerarka xabada ah ku qaadeen goobta xaflada arooska ah oo ay ku sugnaayeen ilaa 300 qof oo soomaali ah.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha falkan ka danbeeyay ay kasoo jeedeen labo beelood oo kala duwan oo soomaali ah, ayna baaritaan ku hayaan xiriirka ay dhacdadan arintaas la lahaan karto.

Booliska ayaa soo qabtay afar ka mid ah dhalinyaradaas,  kuwaas oo magacyadooda ay ku sheegeen, Saalim Xuseen oo 22-jir ah, Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah, Cabdi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah iyo Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah. Dhalinyaradan ayaa markii danbe lagu sii daayay damiin lacageed, inta uu kasoo dhamaanayo baaritaanka kiisaskooda.

Boolisku ma sheegin wax qasaare nafeed ah oo ka dhacay goobta arooska ah oo kooxahan soomaalida ah ay isku xabadeeyeen.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments