Dhalinyaro soomaali ah oo katirsan kooxaha geysta falal danbiyeedyada ee gangska ayaa isku xabadeeyay goob xaflad aroos ah oo ka dhaceysay magaalada Concord ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.
Booliska magaaladaas ayaa sheegay in afar katirsan kooxahaas gangska ah ay weerarka xabada ah ku qaadeen goobta xaflada arooska ah oo ay ku sugnaayeen ilaa 300 qof oo soomaali ah.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha falkan ka danbeeyay ay kasoo jeedeen labo beelood oo kala duwan oo soomaali ah, ayna baaritaan ku hayaan xiriirka ay dhacdadan arintaas la lahaan karto.
Booliska ayaa soo qabtay afar ka mid ah dhalinyaradaas, kuwaas oo magacyadooda ay ku sheegeen, Saalim Xuseen oo 22-jir ah, Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah, Cabdi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah iyo Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah. Dhalinyaradan ayaa markii danbe lagu sii daayay damiin lacageed, inta uu kasoo dhamaanayo baaritaanka kiisaskooda.
Boolisku ma sheegin wax qasaare nafeed ah oo ka dhacay goobta arooska ah oo kooxahan soomaalida ah ay isku xabadeeyeen.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.