Sweden: Masaajid loo ogolaaday inay adinka salaada Jimce kor u qaadi karaan

0
199
Masaajid Sweden Foto: Leo Sellén

Booliiska magaalada Växjö ee dalka Sweden ayaa masaajidka muslimiinta magaaladaas siiyay ogolaansho ah inay kor u qaadi karaan aadaanka salaada duhur ee maalmaha jimcaha ah. Waxaanna loo ogolaaday inuu codka sare ee sameecada codka aadaanka dheereysa uu bixi karo 3 daqiiqo iyo 45 ilbiriqsi.

Ogolaanshaha booliska ayaa lagu xusay in codka aadaanku uusan dhaafi karin Waxa45 decibel(qalabka lagu cabiro dhawaqa), si dhawaaqu aanu u gaarin iskuulada iyo guryaha masaajidka ka agdhow.

Ogolaanshaha ayaa dhaqan gelayo sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana shaqeyn doona muddo sannad ah.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments