Booliska: Wiilka soomaaliga ah ee Holmalia lagu dhaawacay, iyo kan dhaawacay waxey dhigan jireen isku dugsi quraan

0
119
Foto: Politiet

Afar isbuuc kahor waxaa xaafada Holmalia ee magaalada Oslo xabad lagu dhaawacay 18 sano jir soomaali ah, waxeyna boolisku falkaas usoo qabteen 21 sano jir kale oo soomaali ah, kaas oo hada ku xiran xabsiga.

Booliska Oslo ayaa maanta wargeyska Klassekampen iyo tv-ga NRK u xaqiijiyay in labadan wiil ee soomaalida ah ee is dhaawacday ay wada dhigan jireen dugsi quraan Soomaaliya kuyaal, bilo kahor inta uusan dhicin falkan.

Booliska ayaa sidoo kale NRK u xaqiijiyay in  21-jirka soomaaliga ah ee boolisku ay falkan usoo qabteen uu 7 sano ku sugnaa Soomaaliya, uuna kasoo baxsaday dugsi quraanka Soomaaliya loo geeyay, isla markaana ay safaarada Norway ee Kenya ay ka caawisay inuu dib ugu soo noqdo Norway.

Xigasho/kilde: NRK(HALKAN KASII AKHRI WARKAN OO FAAH-FAAHSAN)

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments