Oslo: Labo nin soomaali ah oo ku eedeysan isku day dil, kadib nin habeen hore toori lagu dhaawacay senterka Oslo

0
149

Sida ay sheegeen booliska Oslo, labo nin oo soomaali ah ayay usoo qabteen fal habeen hore senterka magaalada nin toori lagu dhaawacay. labadan nin ee soomaalida ah ayay boolisku sheegeen inay wareysi ka qaadi doonaan, kahor inta aysan si kumeel gaar ah u xirin, kuna soo eedeyn dacwad-danbiyeed ay ku sheegeen isku day dil.

Ninka toorida lagu dhaawacay oo isna ajnabi ah ayaa la dhigay isbitaalka ullevål ee Oslo, waxaana goobta uu falku ka dhacay ay aheyd iridka hore ee guriga uu deganyahay.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay labada nin ee soomaalida ah ee falkan ay usoo qabteen, ay yihiin labo qof oo ay horey u yaqaaneen. Iyaga oo sheegay inay wali baaritaan ku hayaan dhacdadan.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments