Qaramada midoobay oo Norway ku dhaleeceysay habka ay u xanaaneyso da´yarta magangalyo doonka ah

0
124

Gudiga xuquuqul insaanka u qaabilsan qaramada midoobay ayaa warbixin ay soo saareen dowlada Norway ku eedeeyay qaabka ay ula dhaqanto da´yarta magangalyo doonka ah ee kaligood Norway imaado. Waxeyna warbixintooda ku sheegeen in daryeelka ay helaan caruurtaas uu yahay mid aad uga hooseeyo daryeelka iyo xanaanada la siiyo caruurta kale ee wadanka ku dhaqan.

Gudiga ayaa walaac ka muujiyay in caruur badan oo magangalyo doon ah ay ka baxsadaan kaamamka qoxootiga, aysana jirin cid baaritaan ku sameyso sababta dhalisay inay baxsadaan.

Gudiga xuquuql insaanka qaramada midoobay oo kamid ah kuwa ugu caanka gudiyada qaramada midoobay ayaa dowlada Norway usoo jeediyay in daryeel isku mid ah la siiyo caruurta magangalyo doonka kaligood socdo, iyo caruuraha kale ee wadanka ku dhaqan.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments