Booliska Norway oo bilaabi doono adeegsiga hubka korontada ku shaqeeyo(danabka)

0
153
Foto: JIM SLOSIAREK, AP

Laga bilaabo kowda bisha Janaury ee sanadka soo socdo, qeybo kamid ah laamaha booliska dalkan Norway ayaa si tijaabo ah u bilaabi doono adeegsiga hubka korontada ku shaqeeyo ama bistoolada danabka. Heyádda xuquuqul insaanka caalamiga ee Amnesty ayaa ka deyrineyso adeegsiga hubkan iyo qatartiisa. 

Booliska wadamada England, Finland iyo gaar ahaan USA ayaa ku caan ah adeegsiga hubka korontada ku shaqeeyo oo dhaawac ahaan qofka loo adeegsado uga fudud hubka caadiga ah ee xabada. Waxeyna booliska Norway sheegeen inay si tijaabo ah u bilaabi doonaan adeegsiga ilaa labo sano, kahor inta aan go aan rasmi ah laga gaarin.

Bistoolada korontada ayaa qofka loo adeegsado kudeyso danab koronto oo dhan ilaa 50.000 VOLT!. Ilaa 1000 qof ayaa ku dhintay dalka USA, kadib marka ay boolisku u adeegsadeen hubka ku shaqeeyo danabka korontada.

Ururka caalamiga ah ee Amnesty ayaa kasii deyrinayo adeegsiga hubkan, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in hubkan loo qiimeeyo sidii hubka caadiga ah oo kale.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments