Ninkii ka danbeeyay weerarkii Paris oo 20 sano ah xabsi ah lagu xukumay

0
177

Saalax Cabdisalaam oo lagu helay inuu ka dambeeyey weerarkii Paris ka dhacay 2015 ayaa lagu xukumay 20 sana oo xarig ah. Ayri oo 24 jir ah ayaa sida oo kale 20 sano lagu xukumay, iyaga oo loo heysto rasaasta ay ciidamada ku soo rideen xilli lagu raad joogay.

Cabdisalaam oo loo gudbinayo xabsi ku yaallo dalka Faransiiska wuxuu la kulmi doonaa dacwad kale oo la xidhiidho weerarki uu ka geystay Paris.

Ayari waa 24 jir u dhsahay dalka Tuniisiya oo xukunka maxkamadda maanta loo akhriyey waxaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah oo uu dalbaday xeer ilaaliyaha. Garsooraha maxkamadda Marie France ayaa sheegtay in aysan ka shaki qabin » iney labada nin ay ku lug lahaayeen falka argagixsada ah.

 

Ninkan ayaa haysta dhalashada dalka Faransiiska, wuxuuna ku dhashay Brussels wuxuu ka soo jeedaa qoys Faransiiska iyo Morooko ka soo kala jedo. Isaga oo dhalinyaro ah wuxuu ka qayb qaatay dambiyo waaweyn oo ka dhacay Belgium, wuxuuna aaminsanaa iney isaga iyo walaalkiiba noqdaan argagixso.

Waxayna ku biireen koox ka dhisan Faransiiska iyo Belgiumka oo Ururka IS xidhiidh la leh, ururkaasi oo lagu eedeynayo weerarka Paris.

Kooxduna waxay ka qayb qaadatay weerarradi Paris iyo qaraxyadi ka dhacay Tareenka iyo garoonka Brussels ee dhacay 22, March 2016 maalma un kaddib marki la xidhay Cabdisalaam.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments