KRF oo maanta go´aan ka gaari doono mustaqbalka Listhaug

0
192
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Madaxda xisbiga KRF ayaa maanta u fadhiya kulan ay uga arinsanayaan mooshinka laga keenay wasiirada cadaalada dalkan Norway, Sylvi Listhaug. Shirkan oo ah mid aad loo sugayo waxa kasoo bixi doono, ayaa ah mid ay KRF go aan uga gaari doonaan mustaqbalka wasiirada cadaalada Norway, ama guud ahaan xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

Gudoomiyaha KRF oo hadal jeediyay inta uusan shirkooda furmin ayaa sheegay in dhibaada wasiirada cadaalada ay ka qoto-dheertahay hadalkii ay Facebooga kusoo qortay isbuuc iyo bar kahor. Wuxuuna cadeeyay in xisbigiisu uu dhan walba arinta u qiimeyn doono, kahor inta aysan go aanka gaarin.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa sidoo kale horey uga digtay inay xilka iska casili doonto hadii kalsoonida lagala noqdo wasiiradeeda cadaalada.

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments