Suudaan oo ku gacan seyrtay qorshe ay Listhaug usoo jeedisay.

0
148
Listhuag

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa maalmahan socdaal ku joogto dalalka bariga Afrka, waxeyna socdaalkeedii ugu horeysay shaley ku tagay dalka Suudaan. Listhaug ayaa sheegtay in waxyaabaha ugu waaweyn oo ay rabto inay safarkeeda kusoo xaqiijiso uu kamid yahay heshiis dib u celin oo ay la gasho Suudaan iyo dalalka kale ee bariga Afrika.

Listhaug ayaa shaley la kulantay wasiirka arimaha gudaha Suudaan iyo madax kale oo katirsan dowlada dalkaas. Wasiirka arimaha gudaha Suudaan ayaa ku gacan seyray in dalkiisu uu lacag ka helo wadamada Yurub, uuna noqdo goob lagu istaajiyo, laguna hayo qoxootiga raba inay Yurub u tahriibaan, sida uu qoray wargeyska VG ee dalkan Norway.

Wasiirkan ayaa sheegay in Suudaan ayy caawin uga baahantahay wadamada Yurub, si ay uga hortagaan tahriibka sharci darada ah, wuxuuna meesha ka saaray in Suudaan ay noqoto goob lagu hayo qoxooti asoo jeed dalal kale. Isaga oo raaciyay inuu doorbidayo inay dalalkoodii ku noqdaan ama ay Yurub u tahriibaan, intii dalkiisa lagu heyn lahaa.

Listhaug ayaa dhankeeda wargeyska VG u sheegtay in wadamo uu dalka Suudaan kamid yahay ay yihiin furaha xalka looga hortagi karo qoxootiga sanad walba Yurub usoo tahriiba. Iyada oo muujisay sida ay u rabto in Suudaan ay noqoto xarun lagu hayo qoxootiga bariga Afrka kasoo jeedo ee usoo tahriiba Yurub.

Listhaug ayaa usii safri doonto dalalka Kenya iyo Ethiopia, halkaas oo dhankooda ay kula kulmi doonto madax ka socoto dalalkaas.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warbixinta VG

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments