Baarlamaanka Norway oo meelmariyay in UDI-du ay raacdo xeerka xuquuqda caruurta ee caalamiga ah.

0
222
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka Norway ayaa ku heshiiyay in la raaco xeerka xuquuqda caruurta ee caalamiga ah(Barnekonvensjonen), marka ay UDI-du ka shaqeyneyso kiisaska caruurta magangalyo doonka ah ee kali-socodka Norway u yimaada. Baarlamaanka Norway ayaa arintan meelmariyay, iyada oo xisbiyada dowlada ee Høyre iyo Frp ay kasoo horjeedeen.

Xeerkan ay meelmariyeen baarlamaanka ayaa UDI-da shardi uga dhigayo inay kiis walba oo ku saabsan caruurta magangalyo doonka ah, ay tixgaliso xeerka xuquuqda caruurta ee caalamiga ah, ayna si guud oo shaqsi ah u fiiriso waxa u fiican ilmaha markaas magangalyada codsaday.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale isku raacay in la helo qaab lagula socdo howsha dib u celinta ay dowlada Norway, si qasab dalkoodii ugu celiso dadka ay magangalyada u diido.

SV oo lahaa soo jeedinta qodobka kore ayaa sheegay inay meelmariyeen qodob muhiim oo aqoon ahaan xaqa caruurta banaanka keenaya.

Xigasho/kilde: Dagsavisen/NTB

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments