Soomaalida Stavanger oo 30.000 oo kale u diray dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe

0
143

Jaaliyada soomaaliyeed ee magaalada Stavanger ee dalkan Norway ayaa markii labaad lacag samafal ah u dirtay dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay isgoyska Zoobe. Reer Stavanger oo lacag kor u dhaafeyso 130.000 ku lahaa howshii gurmadka qaran ee reer Norway, ayaa mar kale diray lacag dhan 30.000, iyaga oo sii marsiinayo hey´adda Hanaano.

Gudiga gurmadka qaran ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, ayna ugu horeeyaan Sh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sh Bashiir Salaad ayaa gudoomay lacagtaas ay soo direen reer Stavanger, iyaga oo isla markaasna gudoomay lacago kale oo lasoo marsiiyay hey´adda Hanaano.

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments