Muddo ayaa laga joogaa xiligii la soo bandhigy arrintii carruurta soomaaliyeed ee dhaqan celinta loo geeyay soomaaliya. Warbixintu marka ay soo baxday kadib, waxay dowlada yeelatay kulan deg deg ah oo arrinntaan ku saabsan. Ilaa iyo hadda wax rasmi ah oo soobaxay majiraan, laakiin waxaa hubaal ah in aan arintaan lahilmaamin oo ay soo laba kacleyndoonto.
Way adagtahay in la saadaaliyo waxa natiijada dowladu noqon doonto, laakiin waxaa jaraa’idada qaar qoreen wax soo jeedino u ek laakiin aan cadeyn ilaahada. Tusaale ahaan in aan carruurta baasaboor la siin si ay u adkaato in carruurta loo wado Soomaaliya.
Lama saadaalin karo, laakiin haddana waxaan isleeyahay waxaa laga yabaa in qodobada hoos ku qoran qaar laga soo qaato:
- In carruurta loo diido baasaboorada ilaa ay 18 sano ka buuxinayaan oo isood u dalbadaan iyagu baasaboorka.
- In dhan dhaqaale loo ciqaabo waalidiinta, tusaale ahaan qofkii cunug wada waxaa laga jarayaa dhaqaaaha ay dowladu siiso.
- In waalidka sharciga(dalkujooga) lagala noqdo ama si uun dhibaato xaga sharciga ah ay arintaas uga soo gaarto.
- In waalidka la ganaaxo xabsi ama ganaax kale sida in lacag lagu ganaaxo ama sharciyada laga hakiyo.
- In la xoojiyo shaqada safaaradaha Norway ku leedahay wadama Soomaaliya deriska la ah si ay u xooransadaan carruurta laceliyo.
Qodobadaan iyo kuwa kale oo badan wey kamid noqon karaan go’amada dowladu qaada doonto.
Haddaba culeyska ka imaan kara qodobadaan maxay noqon karaan?
Qodobka 1aad: waxaan isleeyahay horta waa arrin adag in ubadka Norway qaarna baasaboorada laga heysto qaarna lasiiyo, haddii ay taas dhacdo waxay noqoneysaa midib kala sooc iyo arrin ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah. Waa arrin aan fududeyn in carruurta loogu diido baasaboorada baqdin laga qabo inay soomaaliya aadaan. Maxaa dhacaya haddii ubadku ubaahdo inuu wadamada kale sida tusaale ahaan UK, ama Danmark doono inuu aado, ama dhalinyarada waxbarasho dibada ah dooneysa?
Qodobka 2aad: waa arin culeyskeeda leh haddii dhaqaalaha laga jaro dadka oo layiraahdo laguma siinayo madaama aad ilmahaagii aad wadanka ka saartay. Waxaa laga yaabaa in qodobkaan dowladu mihiim gooni ah u aragto, sabatuna waxay noqon kartaa iyada oo laga fekerayo is-dhexgalka bulashada. Haddii qofku shaqeysto bulshadana dhexgalo, waxaa fududaaneysa isfahamka ruuxa iyo bulshada, marka waxay taas meesha ka saari kartaa inuu qofku u arko dadka iyo dhaqanka Norway mid aan wanaagsaneyn oo aan lagu dhex noolaan karin.
Si kasta oo ay noqotaba qodobkaan waxaa ka fakan doona ciddii ka maaranta caawinta dhaqaale ee dowlada.
Qodobka 3aad: Arrintaan waa wax dhici kara, sababtuna waxay tahay waalid ku jooga inuu nabad xuma darteed wadankii uga soo cararay haddana ubadka celiyo. Su’aashu waxay noqoneysaa maxay kuu dhibeysaa meel ubadkaaka soo dhaweyneysa?
Haddaba garanay dadka aan deganaasho abadiya ah aan qaadan, maxaa laga yeelayaa dadka dhalashada heysta ama deganaashaha?
In carruurta lacelsho magaarsiisan tahay dabi dhalashada ama deganaashada lagu weyn karo, maqasabaa in aan Norway ka aado Soomaaliya, maxaa dhacaya haddii aan Sweden kabaxo? Sweden dabi ma u araktaa aaditaanka Soomaaliya?
Qodobk 4aad: waa arrin dhici karta laakiin waxay u baahan dontaa maxkamad iyo sharci lamaro?
Su’aashu waxay noqon doontaa maxkamadu maxay wax ku saleyneysaa, haddii aysan jirin dhibaato cad oo waalidku geysatay, waalidiin hore ayaa wadadaan maray wax malagu xukumi karaa?
Qodobka 5aad: Tanina waa ariin suurta gal ah laakiin waxaa hubaal ah in safaarada Norwey ee Kenya ay aad ugu hawlan tahay ka warqabida carruurta Soomaaliyeed ee Kenya iyo Soomaaliya lageeyo. Laakiin safaaradu ilaa hadda hawleheedu waxay ku egyihiin inay caawiso carruurta soonoqneysa . Marka ma waxay bilaabi doonaan soo dafid iyo inay xadaan ubadka Soomaaliyeed ee wadamada kale jooga, maxay ka yeelanyaan shuruucda kale ee wadamadaas u yaala?
Sikasta oo ay noqotaba waxaa hubaal ah in Soomaalida lagu soo wajahan yahay, lana keeni doono shuruuc aanan ku farxi doonin marka waa in aan u tabaabusheysano diyaarna loo noqdo siddii loo wajihihi lahaa arrimahaas.
Waxaan filayaa in wax kasta oo la sameyn doono baarlamaanka la soo marsiin doono, doodna laga gelin doono, marka waa in aan isticmaalo wadiqad kasta ee aan u mari karno saameyn ku yeelashada go’aamada laqaato.
Teeda kale waxaa maalmahaan lahadal hayaa in lagayaabo in xibiga Venstre dawlada ku biiro, waxaana oganahay inkasta oo xisbigaan yahay xibi libiraal ah, haddana waxaa dhici karta inuu dowlada ku cadaadiyo inay ka joogsato go’aamada qaar.
Si kasta oo ay noqotaba waxaa muhiim ah in arrintaan loo istaago oo aan laga aamusin.
Waxaad moodaa in ka hadalkeedi yaharaaday laakiin waxba nooma tereyso in aan soo laba kacleyno markii isbedel dowlada ka yimaado laakiin haddii aan shaqada sii qabano oo aan xal raadinta galno waxaa laga yabaa in naloo garaabo.
WQ: Abdullahi Ibraahim CC