Germany: Wiil soomaali ah oo mindi lagu weeraray magaalada Frankfurt.

0
168

Wiil dhalinyaro soomaali ah, daíidsana lagu sheegay 30 sano ayaa maalintii shaley aheyd lagu weeraray magaalada Frankfurt ee dalka Germany.

Wiilkan ayaa waxaa la sheegay inay midni ugu hanjabeen lamaane (nin iyo naag )wada socday, kuwaas oo kasoo tuuray meel jaranjar ah. Kadibna Waxey ugu hanjabeen mindi ay wateen, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay wiilkan soomaaliga ah ku aflagaadaynayaan.

Dad goob joog ah oo arkayay dhibaatada wiilkan soomaaliga ah lagula kacay ayaa soo dhexgalay, waxeyna iskuna dayeen inay caawiyaan. Dhanka kale booliska magaaladaas ayaa sheegay inay raadinayaan lababadan eedaysane oo da,dooda lagu sheegay 38 sano jir iyo 33 sano jir.

Xigasho/kilde:Somali-News-Germany

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments