Dadkan iyaga oo sanado kahor geeriyooday ayay hadana sanad walba malaayiin dollar sameeyaan!.

0
128

Heesaagii hore ee reer Mareykan, Michael Jackson oo 8 sano kahor geeriyooday ayaa sanadkii shanaad oo isku xiga booska koowaad ka galay dadka macaga leh ee geeriyooday oo hadana sanad walba malaayiin dollar sameeya.

M.J ayaa sanadkan 2017-ka sameeyay 75 milyan oo dollar, waxeyna lacagtan kasoo heesihiisa, xuquuqda agab iyo waxyaabo magaciisa lagu iibiyo, ayna iibsadaan dadkii taageeri jiray xiligii uu noolaa.

Arnold Palmer oo ah xidig horey u ciyaari jiray ciyaarta Golf-ka ayaa kujira booska labaad ee dadka magaca leh oo geeriyooday, hadana sanad walba sameeya malaayiin dollar. Palmer ayaa sanadkan 2017-ka sameeyay 40 milyan oo dollar.

Sadexaad waxaa kujira Charles Schulz oo farshaxaniiste ah, wuxuun isaga oo 17 sano kahor geeriyooday sanadkan 2017-ka sameeyay lacag dhan 35 milyan oo dollar.

Heesaagii hore ee reer Mareykan Elvis Presley oo 40 sano kahor geeriyooday ayaa sanadkan isna sameeyay lacag dhan 27 milyan oo dollar. Halka Bob Marley oo reer Jamaica ah uu isna sameeyay 23 milyan.

Xigasho/kilde: Forbes

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments