Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan soomaalida degan guud ahaan Norway, gaar ahaan Bergen iyo nawaaxigeeda inay kasoo qeybgalaan mu’tamar diini ah oo 30-ka bishan ka furmi doono magaalada Bergen.
Mu’tamarka oo soo qabanqaabiyay masaajidka Bergen, waxaana kasoo qeybgali doono culimo waaweyn oo ay kamid yihiin Sh Almis Yaxye iyo Dr Abdinur Mohamed .
Shirweynahan diiniga ah ayaa ka dhici doono iskuulka Slettebaken skole, wuxuuna dhici doonaa saacadaha 13:00 ilaa 18:00 ee maalmaha 30-ka ilaa 31-da bishan Desember ee sanadka 2017.