Siv Jensen oo iyadana markeeda ka hadashay caruurta Soomaaliya loo dhaqan celiyo.

0
180
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Waxaa wali socoto doodii cirka isku shareertay ee ka dhalatay warbixintii uu NRK ka diyaariyay caruurta soomaalida ah ee la dhaqan celiyo, si ay quraanka usoo bartaan. Dhalinyaradan ayaa NRK u sheegay inay jirdil kala kulmeen goobo quraanka lagu barto

Wasiirka maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in waalidiin ay dhibaato intaas le eg ay kula kacaan ubadkooda, waxeyna sheegtay in arintaas ay tahay mid kasoo horjeedo isdhexgalka bulshada, ayna tahay dhaqan xumo lagula kacay caruurta.

Jensen ayaa hadalkan raacisay eedey dheer oo ay usoo jeedisay xisbiga shaqaalaha, oo ay sheegtay inuu lumiyay booskii uu ku lahaa siyaasada dalkan Norway. Uuna noqday mid dabeyl raac ah, aana laheyn meel loogu soo hagaago.

Xigasho/kilde: NRK,  Dagbladet

 

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments